Последние посты

Waano
9 мая, 17:54
Inta damacsan iney banaan bax ka qaybqaataan ayagoo aminsan iney kuguleysan doonan rabitaankooda waxaan leeyahay kajooga 20sano aya kasoo wareegtay marka uu bilowday dagaal udhexeeya dadka barri isku tiimka ah dagaalkaas markay iskuqaadayeen qolo argagixiso aya loyaqaanay qolona asha haado ladirir ama murtaddiin lama arag mel ayku heshiiyeen ama aykuwada hadleenwaxaa dhintay kumanaan somaliyeed kuwaatahriibay dalka gees kagees waala dumiyaysuuqa ugu weyn somali ya dhowr sano eyga ayaa kuhoyanayay maanta waxa ayrabaan iney furaan buug cusub kadib muddo yar oolaga soo kabanayo dhibaatadii lasoo maray nimaan ogeynbaa loga shekeya yaarabbi ummadda towfiiqda waafaji siyaasiyiinta dhalinteena kushiishbaranayana naga badbaadi Ustaad Nasriin
Waano
8 мая, 07:35
Waxyaabo soo dhaweeya risqiga oo kuu fududeynaya nolosha: 🌷🌿 1. Suuratul baqara maalin walbo: Joogteynta suuratul baqara waxay kuu sahleysaa umuurahaaga waxayna kaa fogeyneysaa balaayada waxayna ducadaada ka yeeleysaa mid aqbal ah waxaadna ka heleysaa degenaan. 🌿🌷 2. Istiqfaarta: Ku cel celi adiga oo socda adiga oo fadhiya adiga oo howl haya adiga ayaana arki doono sida ay noloshaada u sahlanaato 🌷🌿 3. Sadaqada haba yaraatee: Sadaqeyso timir rooti canjeero lacag wax walba ood lillaahi u bixiso ood sadaqeysato qaab kale ayey kuugu soo laabanayaan sadaqadana waxay riixdaa oy kaa celisaa balaayada waxaana kuugu furmaya albaabada risqiga 🌿🌷 4. Qiyaamulleylka: Khaasatan saacadda ka horeysa salaadda subax wey ku badali doontaa noloshaadana dhanka fiican ayey u badali doontaa bi'idnillaah 🌷🌿 5. Ducada 🤲: Ducada waa sirta guusha ee wax walboo aad dooneyso, alle bari oo weydiiso wixi
Waano
22 апр., 21:15
Qisada inankii shaqada ku helay kadib markuu bilaabay istqfaarka badanWaxaa jiray inan dhalinyaro ah oo muddo dheer shaqo la’aan ahaa, uu xanahaystay shahaado jaamacadeed. Wuxuu ka raadinayey shaqo meel walba, balse nasiib uma helin. Wuxuu dareemay niyad-jab, wuxuuna bilaabay inuu rajo beelo.Maalin maalmaha ka mid ah ayuu akhristay Qisaska group ka Facebook Qisas Aldikir qiso qornyeed ka hadliysay fadliga istqfarka , waxaana la sheegay in qofkii aad u istqfaasda , Ilaahay uga furo dhibaato kasta albaab kaga baxo , ugna furo ciriiri kasta furfurnaan, ugana siiyo rizqaan meel uu ka fileyn. Inankii wuu ku dhiirraday, wuxuuna go’aansaday inuu isku dayo. Maalin kasta wuu istqfrsan jiray, si gaar ah markuu tukado salaadda. Wuxuu oran jiray:“AstqfuruAllah rabbi wa atuubu ilayh” boqolaal jeer, qalbi daacad ahna wuu kaga iman jiray.Maalmo kaddib, wuxuu helay wicitaan ka yimid shirkad uu
Waano
19 мар., 19:00
Eid Mubaarak my family 🌙🤍 Waxaan idin leeyahay Ciid wanaagsan, Ilaahay ha inaga aqbalo cibaadadii aan soo gudanay, hana ka dhigo mid miisaanka xasanaadka inoo cusleeya. Ilaahay ha idin siiyo caafimaad, farxad iyo nolol barwaaqo leh, hana idinka ilaaliyo dhibaato kasta , Qalbiyadeenna ha isku soo dhoweeyo, jacayl iyo midnimo ha ina dhex dhigo. Ciidan ciideeda kale Allah ha inagu gaarsiiyo bashbash iyo kheyr badan Aamiin 🤲✨Comments ka so muuqda 👇
Waano
13 мар., 21:04
Doqonimo ayaan u arkaa naftayda in aan dalkayga u sadqeeyo, kadibna ubadkaygu diif iyo darxumo ay ku noolaadaan!!!Ceeb iyo caar ayaan u arkaa geeridayda kadib, xaaskaygu baylah duruufta looga faa'idaysto in ay noqoto!!!Wadan waxa lagu tilmaamaa deegaanka kaabayaasha nolosha uu muwaadinku ka helo, ee wadan laguma tilmaami karo deegaan geeri iyo silic kugu canqarinaya!!!Ma aaminsani fikradda nuxurkeedu yahay, dalka in aan u dhinto, marka dalku uu dagaal galo, dadka saboolka ah oo keli ah ayaa loogu yeedhaa difaaca dalka iyada oo wadaniyad lagu sirayo, kolka dagaalku dhammaadana masuuliyiinta ayaa xilalka iyo dheefta kala qaybsada!!!Marka dalku dagaal galo, waxa dhinta dad aan mudnayn in ay dhintaan, si ay u noolaadaan dad aan mudnayn in ay noolaadaan!!Maxammed Almaaquud.Sidee ayay aragtidiisu kula tahay? Maxaadse ku dari lahayd?
Waano
5 мар., 17:03
Yhd maanta aduunka waxay ka wado iyo sida rabto inay u dhaqanto waxay taageero ka heshaa wadamada kirishtanka sida (maraykan iyo ingiriis) oo si xad lahayn taas oo ay ka dambayso aragti diimeed YHD u taqaan shacabkii la doortay ayna ku waajibayso inay taageeraan maamulka ISR.Marka la eego diinta kirishtanka waxaa Jira laba saddex qayb oo kala ah Orthodox, Catholic iyo Protestantism. Tan iyo qaadidii nabi ciise kirishtanka waxay sameenayeen kulamo ay isku imaadaan dadka ugu sareeya kaniisada SE markii ay aheed 1054 AD ayey u kala jabeen Catholic iyo Orthodox oo kala noqday kaniisadda galbeed iyo kaniisadda bari ayna sidaas u socotay ilaa la gaaray 1517 oo uu Martin Luther la yimi sixitaanka kaniisadda, wuxuu dib usoo saaray caqiidooyin hore oo diimeed dibna usoo celiyey waxyigii cahdigii hore ama tawaraatka taas oo aan looga baran toosna uga soo horjeeda kaniisadda. Taas dhalisay
Waano
4 мар., 03:41
Dadka ugu xun ee aad la macaamili karto waa kuwa xoqda kaarka dulmanaha ah, ee iska dhiga inay yihiin dulmane joogto ah noloshooda oo dhan. U fiirso, intay ku soo dhibateeyaan, ku soo dhacaan, dadkana soo xumeeyaan, bay haddana iska dhigayaan inay dulmanayaal yihiin, bulshadeenuna waa kuwa ugu badan ee sameeya dhaqankaas.Waxyaabaha kuu caddaynaya inay been sheegayaan: isla xisaabtan ma ogola, inay qaldan yihiin ma aaminsana, waxayna in badan isku dayayaan inay dadka aan ku aqoon ka dhaadhiciyaan inaad adigu tahay qofka iyaga dulmay, laakiin xaqiiqada ayaa ah inay yihiin kuwa wax dulmay, kuwa dhibaatada bilaabay, iyo kuwa hawsha soo billaabayba.kuwa kaarka dulmanaha xoqda waa kuwa 'attention' raadis ah, wuxuu rabaa inuu dadka ka dhaadhiciyo in laga qaldan yahay, in la dulmay, in balaayo Ilaahay ku ridi doono kuwa dulmay, in laga xaq-daran yahay, iyo in Ilaahay daka xaqiisa ka soo
Waano
1 мар., 09:41
переслано из @rajaawibooks

Waano
1 мар., 09:38



Waano
26 февр., 17:14
Imtixaanada adduunka sida looga baxo.
Waano
26 февр., 01:44
Fadliga Istiqfaarka Ka Hor Salaadda Fajarka Alle SWT wuxuu si gaar ah u ammaanay dadka ku dadaala istiqfaarta waqtiyada habeenkii qeybtiisa danbe gaar ahaan inta aan la gaarin salaadda fajarka. Waa waqti barakada naxariista iyo cafiska Alle si gaar ah u furanyahay Alle wuxuu Qur’aanka ku yiri: "وَبِالْأَسْحَارِ هُمْ يَسْتَغْفِرُونَ" (Suuradda Aali Cimraan 3:17) Waxay ahaayeen kuwo istiqfaarta Alle waydiista xilliyada suxuurta (waaberiga ka hor) Sidoo kale, Alle wuxuu yiri: "كَانُوا قَلِيلًا مِّنَ اللَّيْلِ مَا يَهْجَعُونَ وَبِالْأَسْحَارِ هُمْ يَسْتَغْفِرُونَ" (Suuradda Adh-Dhaariyaat 51:17-18) Macnaha Waxay seexan jireen habeenkii wax yar, waaberigana waxay ahaayeen kuwo istiqfaarta badsada 🤲 Istiqfaarku waa furaha: Dambiga lagu dhaafo Rizqiga lagu kordhiyo Dhibka lagu furo Nabiga ﷺ wuxuu yiri: Qofkii istiqfaarta badiya, Alle wuxuu ka yeelaa dhib kasta fursad uu kaga baxo walwal
Waano
25 февр., 16:31
Al-Baqara: Suuraddan dadku siyaabo kala duwan ayay uga faa’iidaystaan. Anigana waxaan akhrinayay muddo 11 sano laga joogo markii aan bilaabay. Markii aan bilaabayay hanti iyo adduun-doon kuma aanan bilaabin, hammi noocaas ahna iguma jirin. Waxaan ahaa gabar yar oo jecel inay tijaabiso wax kasta oo kheyr ah oo ay dadka ka maqasho, si ay u ogaato faa’iidadiisa.Suuraddan faa’iidada aan ka arkay iyo waxa aan kala kulmay waxay noqotay mid ka baxsan filashadayda, wax aanan qiyaasi karin. Ducada aan mar walba ku ducaysan jiray waxaa ka mid ahayd in Alle igu sugo akhrinteeda inta aan noolahay. Ilaahay mahaddiis, ilaa maanta oo 11 sano la joogo wuu igu sugay, mahad oo dhan Alle ayay u sugnaatay.Waxaan jeclaystay inaan idinkuna idin booriyo, oo aan idiin sheego kheyrka badan ee ku sugan, si aad uga faa’iidaysataan sidaan uga faa’iidaystay.Akhrinta Suuratul Baqarah bisha Ramadaan waa cibaado
Waano
23 февр., 00:18
AFURI WALAALKA SOOMAN.
Waano
22 февр., 20:13
Shaydaanku wuxuu rabaa in aad daawato filimada xunxun, galmo aan macno lahayn sameyso, sabool ahaato, noqoto qof aan mas'uul ahayn, maalin kasta dhahdo berri baa salaadda bilaabaya, ku raaxaysato cuntada aan caafimaadka lahayn, niyad jabto, jacayl helin, cidna ku jeclaan, ku noolaato nolol murugo leh, oo geeridu sidaa kugu soo gasho. Gacalle/gacliso, jebi mareegtan.
Waano
22 февр., 14:08
Isbedel sameey 2026 "sheekh Mustafa haji Ismael harun"
Waano
21 февр., 15:26
Xiliga Afurka Ducada Aqbal Waaye Sheekh Xuseen Ali Jabuuti 2026
Waano
20 февр., 19:33
Fadliga tasbiixda bisha Ramadan "sheekh Mustafa haji Ismael harun "Channel created
5 сент. 2023 г., 07:36
